Wararka saakay naga soo gaaraya deegaano ka tirsan Gobolada Shabeellooyinka ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo AMISOM ayaa Saakay weerar ku qaadeen deegaano u dhexeeya Degmooyinka Balcad iyo Afgooye oo ay Al-Shabaab ku sugnaayeen Bilihii ugu dambeyay.
Deegaanada ay weerareen ayaa lagu kala Magacaabaa Tuulooyinka Baqdaad iyo Aadan-seeraar oo hoostaga degmada Afgooye iyo deegaanka Kala-wareega oo u dhexeeya Degmooyinka Balcad iyo Afgooye ee labada Shabeelle.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka ayaa Goobsan Media waxa ay u sheegeen in Ciidamadaas howlgalka wada ay saakay Aroortii hore ka soo Amba baxeen Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabeelaha hoose,isla markaana qorshihooda uu yahay sidii ay Al-Shabaab deegaanadaas uga saari lahaayeen.
Mid ka mid Dadka kunool deegaanada weerarka lagu qaaday oo diiday in Magaciisa iyo Codkiisa Warbaahinta loo adeegsado ayaa sheegay inuusan halkaasi ka dhicin dagaal islamarkaana ay Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM sinabad ah kula wareegeen.
Weerarkan qorsheysan ee saakay lagu qaaday tuuloyin ku yaalla inta u dhaxeysa Magalooyinka Balcad iyo Afgooye ayaa ku soo aadaya xilli Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe uu sheegay in laga soo abaabulo weerarada Al-Shabaab ka geystaan Magalada Muqdisho.