Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka mid ah Xubnaha Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay dilkii ay Ciidamada Amisom u geysteen askari ka tirsanaa Ciidanka dowladda.
Senatorka oo wareysi siinayay idaacad kutaal magaalada Muqdisho laguna magacaabo Risaala ayaa sheegay in aysan jirin wada shaqeyn toos ah uu dhaxeysa Ciidamada dowladda iyo kuwa amisom.
Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in marka ay xaalado amni ay jiraan in la joogteeyo wada shaqeynta amisom iyo Ciidamada dowladda.
Waxa uu saraakiisha dowladda ugu baaqay in ay la fariistaan saraakiisha amisom si loo xoojiyo wada shaqeynta labada ciidan.
Kolonyo ka tirsan Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa isku dayay in ay maraan barta Kontorool oo ku taalla wadada aada Garoonka Diyaaradaha waxaana is hor istaag ku sameeyay Askari ka tirsan Ciidamada Nabadsuggida Soomaaliya taasi oo sababtay in iska hor imaad khasaare geystay uu ka dhaco halkaasi.
Laamaha ammaanka Dowladda Federaalka weli kama aanay hadlin dil ay ciidamada amisom u geysteen askari ka tirsanaa ciidamada dowladda iyo dhaawaca dad shacab ah.