Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo ku wajahan deegaanka Leego oo gacanta Al-shabaab ku jira

Ka dib markii 4tii bishaan ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom ay isaga soo bexeen deegaanka Leego,isla markaana deegaankaasi ay la wareegeen Al-shabaab ayaa waxaa socda howlgal lagu doonayo in dib loogu qabsado deegaankaasi.

Gudoomiyaha deegaanka Leego Abuukar C/laahi Isxaaq (Al-Cadaala) oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqooda uu marayo meeshii ugu danbeysay isla markaana gacanta ku dhigi doonaan deegaankaasi oo hadda ku suganyihiin Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa uu  hoosta ka xariiqay in ay la kaashan doonaan howlgalka dib ula wareeegida deegaanka leego ciidanka xooga dalka ciidanka booliiska gaarka iyo Amisom isagoo ka gaabsaday in uu sharaxo xiliga uu dhacayo howlgalkooda.