Ciidamada Dowlada Somalia oo bandhigay Askari ka tirsana Al-shabaab oo isku soo dhiibay

Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed qeybta 60-aad ayaa Maanta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay kusoo bandhigay mid ka mid ah dagaalyahanada Al-shabaab, kaasoo magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Baraka Xasan oo magaciisa afgarashada loo yaqaano (Lagooye).

Cabdiraxmaan lagooye ayaa isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed qeybta 60-aad, kaasoo sheegay inuu Al-shabaab u qaabilsanaa Jabhada, isagoona intaa ku daray inuu kasoo qeyb qaatay dagaalo dhowr ah oo ka dhacay deegaano badan oo ka tirsan gobolka Baay.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in Sababta ku kaliftey in uu Al-shabaab isaga soo baxo ay tahay dhibaatooyinka nolasha iyo mida ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada Baay iyo Bakool.

Gabagabadii Cabdiraxmaan Lagooye ayaa ugu baaqay saaxiibadiisa kale ee ku jira Al-shabaab inay isaga soo baxaan oo ay isku soo dhiibaan ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Maalmahii lasoo dhaafay waxaa soo kordhayay dagaalyahanada ka tirsan Al-shabaabka ka dagaalama gobolada Baay iyo Bakool ee isku soo dhiibayay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan goboladaasi.

Jabril Yahye Isse, 
Goobsan Media Inc
Contact us: info@goobsan.com