Ciidamada Dowlada oo soo bandhigay Shabaab isa soo dhiibay

Taliska Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Magaalada Baydhabo kusoo bandhigey Mowliid Maxamed Sheekh Manuur oo ka mid ahaa mudo 5-Sano ah Kooxda Nabadiidka Alshabab kaa oo maanta isku soodhiibey Ciidanka Xoogga Dalka.

Mowliid ayaa Nabadiidka Alshabab u qaabilsanaa Jabhada, isagoona ka howlgaleyey Gobolada Bakool , Galgaduud , Mudug, iyo Shabeellaha dhexe.
Isa-soo dhiibaha ayaa sheegeyey in sababta ku Kaliftey in Alshabab isaga soo baxo ay tahay Dhibaatada ay Habeen iyo Maalin ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed iyo ku been sheegashada Diinta Islaamka.