Ciidamada Dowlada oo soo Bandhigay Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo Isa soo dhiibay.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa degaanka Baar-sanguuni ee Gobolka Jubbada hoose waxa ay ku soo Bandhigeen Xuseen Xasan Cambeer, oo horay ugu tirsanaa Al-shabaab.

Sidoo kale Sarkaalka isa soo dhiibay ayaa Shabaab u qaabbilsanaa abaabulka waxa ay ugu yeeraan kooxda jugta culus.

Abaanduulaha guutadda 11-aad Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare, Ismaciil Sheekh Isxaaq ,ayaa Wakaalada Wararka ee SONNA u sheegay in Ninkani uu ahaa Sarkaal sare oo Al-Shabaab ah, isla Markaana ka dagaalami jiray Gobolka Shabeellada hoose.

Korneyl Ismaaciil sheekh Isxaaq, ayaa sheegay in isa soo dhiibista Sarkaalka Xuseen Xasan Cambeer, ay timid markii uu dagaal la galay Kooxo kale oo daacad u ahaa shabaab, taas oo u suurto gelisay in uu si nabad ah isu soo dhiibo.