Ciidamada Dowlada oo sheegay inay dileen sarkaalkii ugu sarreeyay ee Alshabaab ee gobolada Baay iyo Bakool

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ayaa deegaanka Ceel-Cuni oo hoostaga degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool ku dilay Sarkaal sare oo katirsan Alshabab oo lagu magacaabo Maxamuud Nuur Gacal ( Sheekh Al-Sima)

Sarkaalkaan ayaa la sheegay inuu ahaa taliyihii ugu sareeyay kooxda Al-Shabaab. Wuxuu ahaa mas’uulka ugu sarreeya ee Bay iyo Bakool.

War kasoo  baxay taliska ciiddanka milatariga ayaa lagu sheegay in Ciidamada ay dileen 11 ka tirsan kooxda Alshabaab, kadib howgallo ka dhacay deegaano ka tirsan Baay iyo Bakool.

Taliyaha ciidamada XDS ee qeybta 16-aad ee Danab, Carab Axmed oo howlgalkaasi hogaaminayay ayaa sheegay in sidoo kale taliye katirsan Al-Shabaab lagu soo qabtay howlgal ay ka sameeyeen agagaarka deegaanka Yaaq-haluul oo qiyaastii 55 KM u jira magaalada Kismaayo.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Midowga Afrika ayaa kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Jabril Yahye Isse, 
Goobsan Media Inc
Contact us: info@goobsan.com