Ciidamada dowlada oo Qaarijay horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta Shabab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXD), oo ku duulaya xog sirdoon iyo raad-joogis dheer, ayaa xalay howlgal qorsheysan ku dilay horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta Al-Shabaab, kaas oo lagu magacaabi jiray Xuseen Macallin Xasan (Magaalabeen). Howlgalkan ayaa ka dhacay meel u dhow deegaanka Buurdhuxunle oo 17km waqooyi kaga beegan magaalada Waajid ee gobolka Bakool.

Horjoogahan, oo kooxda ku jiray muddo ka badan 15 sano, ayaa ahaa mid si weyn loo raadinayay. Intii uu ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab, wuxuu ahaa maskaxdii ka dambeysay falal argagixiso oo lagu dhibaateeyay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose, Mudug, Galgaduud, Baay, Bakool iyo Gedo.

Xuseen Macallin Xasan (Magaalabeen) wuxuu soo noqday:
* Madaxa howlgelinta dagaalka ee gobollada Baay, Bakool iyo Gedo,
* Madaxa baadda xoolaha ee gobolka Bakool,
* Madaxa sirdoonka kooxda ee gobollada Labada Shabeelle iyo Hiiraan,
isla markaana wuxuu soo noqday ku-xigeenkii Fu’aad Maxamed Shongole ee marin-habaabinta iyo faafinta afkaaraha xagjirka ah.

Dhagarqabe Xuseen ayaa ka danbeeyay dagaallo ka dhacay qeybo badan oo dalka ah, isagoo qorsheeyay dhagarta iyo miinooyinka lagu dhibaateeyay shacabka. Dilkiisu wuxuu caddeyn u yahay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu go’an tahay ciribtirka kooxda Khawaarijta Al-Shabaab iyo ilaalinta nabadda, xasilloonida iyo horumarka guud ee dalka.

Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay bogaadineysaa howgallada CXD, waxayna xaqiijineysaa in howlgalada noocan oo kale ah ay si joogto ah u socon doonaan, si loo bartilmaameedsado horjoogeyaasha kooxda meelkasta oo ay joogaan, iyadoo la ilaalinayo badqabka shacabka iyo amniga qaranka.