Ciidamada Dowlada oo gacanta ku dhigay Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 7aad ee gorgor ayaa howlgal ka sameeyay degaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha hoose.

Howlgalka oo ujeedkiisu ahaa xaqiijinta amaanka degaanka iyo sidii looga hortagi lahaa maleeshiyaadka dhuumaaleysanaya ee Al-Shabaab, kuwaas oo isku dayaya inay khal khal geliyaan amaanka deegaanka.

Ciidamada ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan dhagarqabayaal ka tirsan Al-Shabaab oo qorsheynayay inay falal amni darro ka fuliyaan deegaanka, kuwaasi oo ay ku socoto baaritaanno dheeraad ah.