Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo Howlgallo qorsheysan ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa gacanta ku dhigay rag ka tirsan ururka Al-shabaab.
Howlgalkan Ciidamada ay fuliyeen ayaa wuxuu si gaar uga dhacay degaan lagu magacaabo Danwale oo hoostaga Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay warbaahinta Dowladda u sheegeen Saraakiisha Ciidamada Kumaandooska.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida u xaqiijiyay howlgalka ay ka fuliyeen Shabeellaha Hoose in uu ahaa mid qorsheysan islamarkaana lagu Bartilmaameed-sanayay rag ka tirsan Shabaab.
Sidoo kale waxa ay sheegeen saraakiisha Ciidamada in Howlgalkaasi lagu soo qabtay 16 Dagaalame oo ka tirsan ururka Al-shabaab, kuwaasi oo qaarkood ay sheegeen in ay yihiin rag Shabaab u qaabilsanaa sameynta Qaraxyada.
Ciidamada ayaa intii ay howlgalkan ku guda jireen waxay sidoo kale burburiyeen saldhig Shabaab ay ku lahaayeen degaaanka Danwale oo ka tirsan Shabeellaha Hoose.