Ciidamada Argagixisa la dirirka oo toogtay Nin Ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada la dagaalanka Argagxisada dalka Kenya ayaa toogtay Xuseen Saciid Cumar oo ka mid ahaa Al-Shabaab ,islamarkaana ciidamada Ammaanka ay baadigoobaayeen Muddo Sanado ah.

Ninkaan ayaa lagu toogtay degmada Bamburi oo ka mid ah degmooyinka hoos yimaada Magaalada Mombasa.

Ninkaan ayaa ka mid ahaa dadka ay dowladda Kenya ay si weyn u raadinaysay Sanadyadii lasoo dhaafay ,waxaana lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay Weeraro ay ku dhinteen Kenyaan Badan,Islamarkaana waxaa uu ku jiray Liiska Argagixisadda.

Waxaa uu ka mid ahaa raggii ka dambeeyay Weerarkii 2014-tii lagu qaaday Mpeketoni oo ay ku dhinteen in ka badan 60 qof.

Ciidamada Booliska Kenya ayaa ku tilmaamay Guul toogasho Xuseen Saciid Cumar.

Sarkaal Sare oo ka tirsan ciidamada la dagaalanka Argagixisadda ayaa sheegay in ninkaasi la dilay ka dib markii uu isku dayay in uu dagaallamo.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in uu ka mid ahaa Al-Shabaab ka dagaalama Keymaha Booni ee dalka Kenya.