Ciidamada Amniga Puntland oo soo Bandhigay Waxyaabaha Qarxa( SAWIRRO)

Ciidamada amniga dowlad Goboleedka Puntland ee PSF ayaa soo bandhigay waxyaabaha Qarxa oo ay sheegeen in saakay lagu qabtay Magaalada Boosaaso.

Saraakiisha Ciidanka amniga Puntland ayaa sheegay in qaraxyada lagu qabtay howlgal Ciidamada ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland.

Sidoo kale Qaraxyada ay soo Bandhigeen Ciidanka amniga Puntland ayaa ahaa Miino nooca dhulka lagu aaso iyo qalabkii loo isticmaalayay ,kuwaasi oo ay sheegeen in la doonayey in shacabka Boosaaso lagu dhibaateeyo.

Si kastaba Ciidamada amniga dowlad Goboleedka Puntland ee PSF ayaa dhowr mar soo bandhigay minooyin ay sheegeen inay fashliyeen,isla markaana deegaano Puntland ka wada howlgal ka dhan ah Al-shabaab iyo Daacish.