Ciidamada Amniga oo Gacanta ku dhigay Nin dil geystay Baydhabo

Ciidamada Amaanka Soomaaliya ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan Nin xalay fiidkii Magalda Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ku dilay Askari ka tirsanaa Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed.

Ninkan ayaa markii hore Askari fadhiyay Goob maqaaxi qoorta ka geliyay tooreey kadibna uu ka qaatay qori uu watay kuna dilay,isaga oo isku dayay in uu qoriga la baxsado balse ay Gacanta ku dhigeen Ciidamada Amaanka ee Magalada Baydhabo.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Boliska Koonfur Galbeed ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in Ninkaasi dilka geystay la geeyay Saldhiga Booliska Magalada Baydhabo si baaris loogu sameeyo,waxaana la sheegay in uu ahaa Nin ku cusub Magalada Baydhabo.

Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa dhawaan la filayaa inay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed,waxaana aad loo adkeeyay Amaanka Magalada Maadaama ay ku sugan yihiin musharixiin farabadan.