Ciidamada AMISOM oo dad shacab ah ku laayay duleedka magaalada Muqdisho

Ciidamada AMISOM , ayaa la sheegay  degaanka Lafoole ee duleedka Magaalada Muqdisho in ay ku laayeen dad Shacab ah.

Dilka dad Shacabka ah ayaa yimid ka dib markii Ciidamada AMISOM halkaasi Qarax lagula eegtay, waxaana dadka degaanka ay sheegeen in ciidanka AMISOM ay bilaabeen in ay toogasho ku dilaan qaar ka mid ah dadka degaanka.

Wiil dhalinyaro ah oo ka mid ah dadka deegaanka laguna magacaabo Mustaf Cabdi Axmed ayaa sheegay in Aabihiis ay toogasho ku dileen Askarta AMISOM Xilli uu kusii jeeday Shaqo.

Waxaa sidoo kale Saakay ciidamada AMISOM ay dhibaateeyeen Arday wax ka baranaysay Iskuulka Alfurqaan oo ku yaalla degaanka Jaamacadda Beeraha ee Shabeelaha Hoose,waxaana ay dileen Macalin Waqtigaas ku guda jiray bixinta Xiisad, waxaana sidoo kale ay dhaawaceen arday.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya ayaa marar badan sidaan oo kale waxa ay u dhibaateeyeen dad Shacab ah oo aan waxba galabsan balse Arrinta is weydiinta mudan ayaa ah haddi Ciidamadii Nabad ilaalinta loo keenay dalka ay sidaan u laayaan Shacabka si la mid ah Qaraxyana ay u sii dheeryihiin maxaa la gudboon Dowladda Federalka oo dooneysa xiligan in ay kasbato Quluubta Shacabka Soomaaliyeed bacdamaa ay ku dhawaaqeen dagaal looga saarayo wadanka Ururka Al-shabaab.