Laba qof ayaa dhimatay mid kalena waa uu dhaawacmay kaddib markii baabuur la sheegay in uu ka mid yahay kuwa ciidamada AMISOM uu dulmaray maanta dad rayid ah oo waddada marayey, deegaanka ceelasha biyaha ee dulleedka magaalada Muqdisho.
Dhalinyarada ay jiireen gaadiidka ciidamada AMISOM oo Saddex ahaa ayaa dhammaantood saarnaa Mootada loo yaqaano VEKON ee leh labada lugood, kuwaasi oo isku dayayay in ay baasaan gaadiidka AMISOM.
Dadka deegaanka ayaa sheegay dhalinyarada la jiiray in laba ka mid ah ay ahaayeen askar halka midka kalena uu ahaa darawalkii Mootada kaxeynayay.
Waxaa halkaasi ku geeryooday darawalkii iyo mid ka mid ah askartii, halka midka kalena uu dhaawacmay, kaasi oo loo qaaday goobaha caafimaad.
Gaadiidka AMISOM ayaa waxaa ay isaga baxsadeen goobta ay falka ka geysteen, iyada oo aanay jirin ciidamo is hor istaag ku sameeyay.
Balse shacabka deegaanka oo arrintaasi argagaxa leh ka carooday ayaa sameeyay banaanbax ay kaga soo horjeedeen falkan naxariis darada ah, waxaana ay ku baaqeen in cadaallada la horkeeno raggii dhacdadan ka dambeeyay.
Maamulka degaanka ceelasha biyaha oo warbaahinta u sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan falkan, iyo sidii cadaalada loo horkeeni lahaa raggii falkan ka dambeeyay.