Ciidamada Amaanka Puntland oo gacanta ku dhigay Dooni Hub siday

Ciidamada amaanka  Puntland ayaa saaka gacanta ku dhigay dooni hub ka dejinaysa xeebta deegaanka Shimbiraale oo ku yaala buuraha Calmadow ee Gobolka Bari.

Sarkaal ka tirsan ciidanka loo yaqaano PMPF oo la hadlay  Warbaahinta  ayaa xaqiijiyay qabashada dooni wadey saanad hub ah oo isugu jira qoryaha fudud iyo kuwa culculus.

Ciidamada ayaa la sheegay doonta inay u soo kaxeeyeen dhanka Magaalada Boosaaso, halkaasi oo la doonaayo in looga dajiyo hubka saaran.

Saraakiisha Puntland waxa ay sheegeen Doonta inay Saxaafadda ugu soo bandhigi doonaan Dakadda Magaalada Boosaaso, marka ay arkaan masuuliyiinta Puntland.

Lama oga doontaan hubka siday halka ay ka timid iyo sidoo kale tirada shaqsiyaadka saaran ee ciidamada Puntland ay gacanta ku dhigeen.

Daacishta ku sugan Buuraha Galgala ee Gobolka Bari, ayaa badanaa hubka waxaa looga gudbiyaa dhanka Badda, iyadoo Xeebaha Magaalooyinka fog fog looga dajiyo.

Ma jiraan faahfaahin rasmi ah oo laga helayo doontan ay ku rarnayeen Saanadan militari waxaana ay dib uga faah faahin doonaan Doonidaas iyo Shixnada hubka ah ee saaran.

Waxii kusoo kordha kala soco Goobsan.com