Ciidamada Amaanka oo Rag hubeysan ku qabtay degmada H/wadaag

Ciidamada ammaanka dowladda ayaa xalay fiidkii waxa ay gacanta ku dhigeen rag hubaysan oo watay mooto sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka oo arkayay xilliga ciidanka ay qabanayeen ragga hubaysan.

Hawlgalka lagu qabtay raggan hubaysan ayaa wuxuu ka dhacay agagaarka Xaafadda Black Sea, waxaana wararka ay sheegayaan in ragga hubaysan iyo ciidamada ammaanka iska hor imaad uu dhexmaray ka hor inta aanan la qaban.

Ciidamada ammaanka ayaa waxaa u suuragashay inay gacanta ku dhigaan nin ka mid ah raggii hubaysnaa, kadib markii ay baxsadeen raggii kale ee ciidamada ay dagaalameen

Ciidamada ayaa sidoo kale waxa ay gacanta ku dhigeen mooto ay wateen raggaasi oo ay ku socdeen, waxaana mootadaasi iyo ninkii hubaysnaa loo kaxeeyay xarumaha Hay’addaha ammaanka dowladda.

Lama oga ragga hubaysan ee la qabtay inay Shabaab yihiin iyo inay yihiin rag burcad ah oo dhac ka gaysanayay xaafado ka mid ah Degmada Hawlwadaag ee Magaalada Muqdisho.