Ciidamada Amaanka oo qabtay Qaraxyo iyo Dadkii watay

Ciidamada Amniga ayaa xalay waxa ay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen qeybo ka mid ah degmada Wadajir ee  Gobolkan Banaadir howlgalkaas oo sida ay Saraakiishu sheegeen ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga.

Sida la sheegay Ciidamada ayaa sigaar ah howlgalka uga sameynayay Guryo bartilmaameed ahaa oo ku yaalo Xaafada Kaawa Godeey oo uu howlgalku ka socday.

Saraakiil sigaar ah ula hadlay Warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in howlgalkaas ujeedkii laga lahaa lagu guuleestay isla markaana Gacanta ay ciidamadu ku soo dhigeen Lix Nin iyo qaraxyo ay wadeen.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in iminka lagu haayo Saldhiga degmada Wadajir isla markaana dhawaan loo sii gudbin doono Xarumaha kale ee laamaha amniga.