Ciidamada Amaanka oo gacanta ku dhigay Gaari siday waxyaabaha Qarxa

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen Gaari nuuciisa uu yahay Carib, kaasi oo lagu soo raray waxyaabaha Qarxa.

Gaarigan oo la soo dhigay Agagaarka Haanta-dheer ee degmada Deyniile ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay saraakiishu sheegeen in ay saarnaayeen Qaraxyada nuuca lagu xiro Baabuurta.

Saraakiisha ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen Gaarigan in lala damacsanaa in lagu Qarxiyo meelo ka mid ah magaalada Muqdisho, balse xogo ay heleen Ciidamada ammaanka suurta gashay in gacanta lagu soo dhigo.

“Gaariga waxaa la soo dhigay Haanta-dheer hoosteeda, waxaa saarnaa Qaraxyada nuuca lagu xiro Baabuurta, dadka degaanka ayaa nagu soo wageliyay kadibna Ciidamada ammaanka ayaa tagay goobta, waxayna gacanta ku dhigeen Gaariga, baaris dheeraad ah ayaan wadnaa” Ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha NISA oo warbaahnta la hadlay.

Majirin cid lagu soo qabtay gaarigan, maadaama meel cidlo ah uu yeelay, waxaana socda Baaritaanka ku aadan qaraxa Baabuurkaan ee ciidamada ammaanka ay qabteen.

Wararka ayaa sheegaya inay jiraan shaqsiyaad aad loo tuhmaayo oo ciidamada Dowladda ay ka baadigoobayaan Xaafadda Haanta Dheer ee degmada Dayniile.

Ciidanka Xaslinta Caasimadda ayaa maalamahan waxa ay sii kordhiyeen sugidda ammaanka magaalada Muqdisho, si looga hortago falalka Qaraxyada ah ee Shabaab ay ka geysanayaan dalka gaar ahaan caasimadda.