Sida aan wararka ku helayno waxaa degmada dhoobleey oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose lagu qabtay rag watay waxyaabaha qarxa, Sida ay saraakiisha Maamulka Jubbaland ku waramayaan Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa Gacanta ku dhigay Rag watay Miinada Nooca dhulka lagu aaso.
Saaakiil ka tirsan Ciidamada amaanka Jubbaland ayaa sheegay in raggaan bartilmaamedkooda ahaa in ay miinadan ku aasaan Saldhiga Ciidanka Booliska Maamulkaas ee ku yaala Magaalada Dhoobleey balse laga hortegay sida ay hadalka u dhigeen.
Saraakiisha ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in Ragaan Saddexda ah laba ka mid ah ay Goobo Ganacsi ku leeyihiin Magaalada dhoobleey basle ay si hoose Al-Shabaab ula shaqeyn jireen.
Ugu dambeyn Saraakiisha Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen in raggaan Maxkamad lasoo taagi doono madaama ay doonayeen in ay Miino ku Aasaan Saldhiga Ciidamada Booliska Maamulkaas ee Magaalada Dhoobley.
Weli dhanka Al-Shabaab War kama soo saarin hadalkaan ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada ee Magaalada doobleey oo ah in ay qabteen Saddex ka mid ah Al-Shabaab oo watay waxyaabaha qarxa.