Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya degaanka Buulo Guduud oo 30-KM ujira magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, Wiil dhalinyaro ah ayaa halkaasi ku gawracay Aabihiisa.
Allaha u naxariistee Aabaha la gawracay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray C/laahi Shariif Kalar, kaasi oo si weyn looga garanayay degaanka Buulo Guduud oo falka uu ka dhacay.
Dadka degaanka ayaa waxa ay sheegeen in shalay galab wiilka uu soo qaatay Baangad, kadibna uu Aabihiisa qoorta kaga jaray.
Ma cadda ilaa hadda in wiilkan uu aabihiisa si ula kac ah u dilay ama uu xanuunsan yahay, balse wiilkan ayaa habeenkii guriga ka soo daahi jiray, iyada oo aabihiisa uu dhawr mar u diiday inuu albaabka guriga ka furo.
Maalmahan dambe waxaa soo badanayay dhacdopoyinka la xiriira inay is dilaan dadka ehelka ah, waxaana ugu dambeysay Axadii oo Wiil walaalkiisa ku dilay xaafada Kaawo Godey ee degmada Dharkeynley, arrimo la xiriira dhaxaltooyo, si lamid ah waxaa degmada H/wadaag ka dhacay isbuuci hore wiil dilay walaalkiis ka weyn.