Ciidamada Amaanka Gaalkacyo oo gacanta ku dhigay 3 Ruux oo siyaabo kala duwan dhac u geystay

Ciidamada Booliska isku dhafka ah ee maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa ku guuleystay qabashada kooxo dhalinyaro ah oo la sheegay in ay dhac geysteen iyo kuwa ku hawlanaa sameynta lacago been abuur ah.

Taliye kuxigeenka Booliska gobolka Mudug ee dhanka Galmudug Maxamuud Cilmi Gulaafe ayaa waxa uu sheegay in Taliyaha Booliska dhanka Puntland ay ku wareejinayaan nin gaari ka soo dhacay dhanka Waqooyi ee magaalada Gaalkacyo iyo raggan kale.

“Halkan waa saldhigga Booliska gobolka Mudug ee Galmudug, waxaan wareejineynaa nin dhalinyaro ah oo gaari ka soo dhacay dhinaca Puntland, waxaa nala jooga Taliyaha qeybta Puntland, ninkii gaariga lahaa iyo saraakiil kale, sidoo kale laba dhalinyaro ah oo sarifayay lacag Dollar Faalso ah, dhammaan raggan waxaan ku wareejinay Taliyaha qeybta Booliska Puntland, waxaan diyaar u nahay inaan si wadajir ah u wada shaqeyno.” Ayuu yiri Taliye kuxigeenka Booliska gobolka Mudug ee dhanka Galmudug.

Hawlgalladan ayaa waxa ay ahaayeen kuwo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada Booliska Mudug ee loo aas aasay xasilinta xaaladaha gobolka ka dhaca, waxayna mar walba sameeyaan hawlgallo baaritaano ah oo lagu xaqiijinayo ammaanka.

Waxaa muuqata in ay kordheen wada shaqeynta ay muujinayaan ciidamada booliska ee magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan dhinaca suggidda ammaanka iyo ka hor tagista rabshado mar kale magaaladaa ku soo celin kara dagaallo ku dhexmaray dhinacyada Galmudug iyo Puntland.