C/Fitaax Ibraahim Shaaweey oo xil muhiim ah loo magacaabay

C/fitaax Ibraahim Shaaweey ayaa loo magacaabay Taliye ku-xigeenka heyadda socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.

Magacaabida C/fitaax Ibraahim Shaaweey ayaa ka dambeysay ka dib qoraal ka soo baxay Wasiirka Amniga gudaha Maxamed Abuukar Isloow “Ducaale”, iyadoo magacaabidiisa xilkana lala socodsiiyey raisul wasaaraha xukumada federaalka Somalia Xasan Cali Kheyre.

Marka la eego taariikhda warqada magacaabista ku qoran ayaa waxaa muuqanaya in 10-cisho ka hor magacaabistasi ay soo baxday balse maanta ay heshay warbahainta.

C/fataax shaaweeye ayaa soo qobtay xilal kala duwan,waxaana hadda inta aan xilkaan cusub loo magacaabin ahaa Taliye kuxigeenka Hey’ada NISA ee Gobolka Banaadir.

halkaan ka qriso warqada magacaabista C/fataax shaaweeye: