CC Warsame iyo Xasan Sheekh oo si kulul uga hadlay dadkii lagu Xasuuqay Gaalkacyo.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu ka hadlay dadkii  9-kii qof ee xalay lagu dilay Magaalada Gaalkacyo,kuwaasi oo ahaa dadka ka soo jeeda deegaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliyed.

Xasan Sheekh ayaa si adeg u Cambaareeyay falkii foosha xumaa ee lagu dilay dad gaarayo 9 qofood,isla markaana lagu toogtay hal meel,waxaana uu tilmaamay in wax laga xumaado tahay arrintaas.

“Waxaan u tacsiyeynayaa eheladii ay ka geeriyoodeen dadkaas. Waxaan ku adkeynayaa maamulka Galmudug iyo waxgaradka reer Galmudug guud ahaan iyo gaar ahaan kuwa reer Galkacyo iney ka wada shaqeeyaan sidii gacan ku dhiiglayaaaha loo hor keeni lahaa sharciga si cadaaladu u shaqeyso”ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Dhinaca kale Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa isna si xoog leh u Cambaareeyay falkii argagexa lahaa eek a dhacay Gaalkacyo,kaasi oo lagu dilay 9 ruux oo ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed.

“Galmudug iyo deegaanka Gaalkacyo waa ku ceeb in dad rayad ah oo aan danbi lahayn, cid ay wax ka galabsadeenna jirin, noloshooda caadiga ahna si degan oo dabiici ah u watay, malo weliba haybsooc ah lagu laayo”ayuu yiri Cabdiraxmaan C/Shakuur.

“Dadkaasu waxay isku haleeyeen masuuliyida maamulka iyo dadnimada shacabka deegaanka, jawaabta ay maamulka iyo shacabku ka bixiyaan falkaas argagaxa iyo arxan darida leh ayaa laga arki doonaa in ay isku halayntoodu sax ahayd iyo in kale. Shacab iyo maamulba waa in falcelin isku mid ah laga sameeyo, meelna looga soo wada jeestaa, degdegna cadaalada loo horkeenaa kuwii falkaa arxan darida ah ku kacay. Allaha u naxariisto dadkii rayadka ahaa ee xaq darida lagu laayeey iyo sarkaalkii hay’ada Nabadsugida ka tirsanaa ee la dilay”ayuu sii raaciyay hadlkiisa CC Shakuur.

Kooxo hubeysan oo careysan dil loo geystay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Nabadugidda Galmudug ayaa xalay dad shacab ah oo gaaraya 9 ruux ku dilay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug,waxaana arrintaasi si kulul uga hadlay Mas’uuliyiin badan oo uu kamid yahay Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.