Cbdiraxmaan C/Shakuur oo aan maanta tagi doonin Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in maanta oo Arbaco ah aanu maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir tagi doonin siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur.

Lama hubo in maxkamadda ay tagi doonaan qareennada C/raxmaan iyo in kale, balse waxaa naloo xaqiijiyey in shaqsi ahaan aanu C/raxmaan Tagi doonin maxkamadda.

Maxkamadda racfaanka ee gobolka Banaadir ayaa warqad ay soo saartay ku sheegtay in maanta dib loo furi doono dhageysiga dacwad loo haysto C/raxmaan Cabdi Shakuur.

December 21, 2017: Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa sheegtay in C/raxmaan lagu waayey wax dambi ah, islamarkaana uu xor yahay, waxaana sidoo kale maxkamaddu sheegtay inaan dacwaddan wax racfaan ah laga qaadan karin balse Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa ku adkeystay in Racfaankan la aqbalo ugu dambeyna waxa Warqadda loo diray Cabdiraxmaan CabdiShakuur.

Waxii kusoo kordha kala soco Goobsan.com