Canada: War Farxad leh oo ka soo baxay Wasaarada Socdaalka iyo Jinsiyadaha.


Wasiirka Socdaalka, qaxootiga iyo Jinsiyadaha Kanada Axmed Xuseen ayaa goorsii horeeysay oo maanta ku dhawaaqay in dadkii rabay in Kanada ay keenaan qooysaskooda ee horay loo diiday codsiyadoodii hadda dib loogu ogolaandoono in codsiyadoodii dib loo furo.

Barnaamijkaan oo ah kan soomaalidu u taqaano Isboonsar (Sponsorship) oo ay horay u joojisay doowladii hore ayaa ah mid quseeya eheladii ay dadka hada jooga Canada uga soo tageen dalalkoodii kuwaa oo aan horay loo sheegin ama aan marin wax imtixaan ah kahor inta aan codsiyada la diidin.
Wasiirku wuxuu yiri “ Dadkii markii ay dalka yimaadeen sheegay in ay rabaan in heladooda ay dalka keenaan waa loo diiday, Maanta qaladkaas ayaan saxaynaa”.
Barnaamijkaan oo bilaaban doona Sagaalka bisha Sagaalaad ee Sanadkaan ( September 9, 2019) ayaa wuxuu joogsan doonaa Sagaalka bisha Sagaaladaad ee Sanadka 2021 ( September 9, 2021)…
Dadka inta eheladooda dalbadeen aan wax jawaab ah maqlin ama laga aamusay waxaa suuragal ah in barnaamijkaan ay ka faa’iideysandoonaan.

SHAQAALAHA

Shaqaalaha ay keensadaan shiradaha eek u dhiban goobaha shaqada haddii ay shaqada isaga tagi lahaayeena ka baqaya in ay waayaan sharciga shaqo ee ay dalka ku joogaan waxaay awood u yeelan doonaan in si dagdag ah ay shaqadaas lagu dhibaato ay isaga tagaan oo ay dalbadaan ruqsad shaqo oo furan (open work permit ) taasoo ah mid ay wax du soo kordhisay.

DADKA WADA NOOL

Sidoo kale dadka wada nool sida xaaska uu mid kood kan kale wadanka keenay ee noloshada qooyska lagu dhibaateeyo ee rabshado ka dhex jiraan wuxuu qofkaa dhiban codsan karaa deganaansho ku meel gaar ah (temporary resident permit).

Dadkaas waxaa la siindoonaa ruqsad shqo iyo waraaqaha caafimaadka..

Intaasi waa qolaadada aan idiin soo tarjunay

FIIRO GAAR AH..

Inagu maahin sharciyaqaano ama lataliyayaal dhinaca socdaalka ah sidaa daraadeed haddii aad u baahantahay inaad waxyaabahaan oo faahfaahsan iyo sidaad uga faa’ideysankarto fadlan laxiriir dadka ay shaqadoodu tahay..
Inagu waan ku ogeeysoonay macluumaad ahaan in arintaani maanta soo baxday ….

©️Source: CT+Somalia