Cali Khaliif Galeyr oo si aan looga baran uga hadlay heshiiskii Qaatumo iyo Soomaaliland

Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr ayaa soo dhoweeyay heshiiskii shalay ay magaalada Hargeysa ku kala saxiixdeen Maamulka Somaliland, isagoo ku tilmaamay bilow fiican.

Dr. Cali Khaliif Galeyr oo ku sugnaa madashii lagu saxiixay heshiiska oo ka koobnaa 5-ta qodob ayaa sheegay in wada hadalada ay muddo socdeen, isla markaana loo baahan yahay in la gaaro xal siyaasi ah oo u baahan ku dhiirasho sida uu hadalka u dhigay.

“Bilow fiican baa mareynaa wada hadalada muddo ayay soo socdeen, arrimo siyaasi la isku hayaa, xal siyaasi loo baahan yahay, ku dhiirasho loo baahan yahay, arrintan arrin culus weeye, umad dhan aayaheeda, mustaqbalkeeda iyo taariikhdeeda waa tahay in laga doodo, anaga diyaar baa u nahay, caqli iyo xigmad ayaa loo baahan yahay”ayuu yiri Dr. Cali Khaliif Galeyr.

Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in umadda lagu hoggaamiyo nabad ku wada noolaansho, sinnaan iyo cadaalad, isagoo xusay in aanay cidna marti uga noqoneyn taas.

“Cidii fileysa in hoosta nala gelinayo, cidna marti u noqon meyno, si cad baan ku heshiineynaa oo wax aan wada leenahay ayaa dhiseynaa, ama si cad ayaa ku kala tageynaa, waxay u egtahay in si cad in lagu heshiin doono”ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in hadii la heshiiyo, kalsooni bilaabato ictiraafka la raadinayo ay meeshooda ugu imaanayo sida uu hadalka u dhigay.

“Somaliland waxay u baahan tahay waa inoo muuqdaa, aniga waxaa qabaa hadii aan heshiino oo wax wada yeelano, kalsooni bilaabato, ictiraafka loo gar-guurto waa ka koreynaa, wallee meesheena nalooga imaanayaa, hadii la isu wada yimaado wixii ku dhulkan ku noolaa ay midobaa, waxaa qabaa ictiraaf, horumar iyo qadaran ayaynu ku hiran karnaa”ayuu yiri Dr. Cali Khaliif Galeyr.

10-ka bisha soo socota ee July ayaa lagu wadaa in magaalada Burco uu ka furmo gogol labada dhinac ku dhameystirayaan heshiiska ay gaareen, taasoo kama dambeys uu Maamulka Khaatumo uu ugu biirayo Somaliland.