Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa sheegay in shacabka Magaaladda Muqdisho ay doonayaan in Madaxda dowladda Soomaliya ay deegaan ka dhigtaan qaar kamid ah xaafadaha gobolkan Banaadir oo aysan madaxda ku kalsooneyn amni ahaan.
Waxa uu sheegay In amniga Magaaladda Muqdisho aan la isku haleyn karin boqolkiiba boqol, balse shacabka ay doonayaan in ay arkaan Madaxdooda oo dagan xaafado kamid ah Degmooyinka Gobolka banaadir.
“Shacabka Magaaladda muqdisho waxay codsadeen in Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaliya iyo madaxda qaranka in ay dagaan xaafado kamid ah gobolka Banaadir, sida bakaaraha, Warshadaha, iyo xaafado kale oo kamid ah Gobolka banaadir oo amnigooda liito”, ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka banaadir.











