Cadayn: Masuul Nabad Sugidda Soomaaliya katirsan oo is casilay

Maalinimadii Sabtida ayaa Taliye kuxigeenkii Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee dhanka howl galada Cabdi Salaan Yuusuf Guuleed ayuu shaaca ka qaaday in uu xilkaasi iska casilay.

Warqada Is casilaada ayaa Taliye kuxigeenka Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka C/salaan Yuusuf Guuleed u gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Taliye kuxigeenkii Hey’adda Nabadsugida ayaan shaacin sababta ku kaliftay is casilaadiisa, waxaana warar hoose oo soo baxaya sheegayaan in ay jiraaa culeesyo taliyaha ku kalifay in uu shaqada isaga tago.
Halkan ka Akhriso Warqada Iscasilaada Taliye kuxigeenka Nabadsugida