Raisulwasaarihii Hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa beeniyay inuu jiro wax heshiis ah ama is faham ahaa oo Xukuumadiisa ay la gashay dowladda Imaaraadka Carabta.
Waxa uu sheegay in hadii uu jiro heshiis noocaasi ah aanu qarsoodi ahaadeen, islamarkaana Dowladii xiligaas jirtay ay shaacin laheyn.
Dhanka kale Raisulwasaarihii Hore ee Soomaaliya ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Farmaajo iyo Raisulwasaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali kheyre in ay bilaabeen inay dacaayad ka sameeyaan Madaxii hore ee dalka.
“Dowladda hadda jirta ay hogaamiyaan Farmaajo iyo kheyre waxay bilaabeen in ay adeegsadaan Wiil yar yar oo warar been ah iyo dacaayad ka faafiya madaxdii hore, kuwaasoo wixii ay doonaan iska qora”, ayuu yiri Cumar C/rashiid oo caawa u waramay Laanta afka Soomaliga ee Voa-da.
Dhawaan Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha dibada Dowladdda Imaaraadka Carabta Anwar Qarqaash ayaa sheegay in heshiiska Dekadda Magaaladda Berbera uu ahaa mid dhex-maray Dowladii Xasan Shiikh Maxamuud iyo Imaaraadka carabta.