Burcad badeed Soomali ah oo afduubtay Markab Hindiya laga leeyahay

Waxaa xalay ay xaqiijiyeen Qaar ka mid ah Warbaahinta Caalamka Markab Xamuul ah oo laga leeyahay dalka India ayaa gacanta u galay Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida.

Markabkaan oo ahaa mid Xamuul ah ayaa waxaa uu kasoo baxay Dekedda Magaalada Dubai waxaana uu kusoo jeeday Yemen, waxaaana falkaani uu dhacay  April 1 waxaa la ogaaday in burcad badeed Soomaali ah oo hubaysan ay mas’uul ka ahaayeen afduubka.
Kabtanka markabka ayaa ku wargeliyay maamulka Abu Dubai iyo sidoo kale Mas’uuliyiinta dalka Imaaraadka Carabta.
Waxaa socda tilaabooyin deg deg ah oo lagu doonaayo in Markabkaasi lagu soo badbaadiyo.  Markabka ayaa la Aaminsan yahay in lala soo aaday jihada Soomaaliya iyo Yemen.  Xigasho: Indian Today.

sidoo kale markabkan ayaa ah markabkii labaad oo ay afduubtaan Burcad Badeeda soomaalida sanadkan gudihiisa ayadoo bishii hore ay markab kusoo qafaasheen xeebaha Soomaaliya.