Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Boqortooyada Sucuudiga uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee dib u dhiska dalka, gaar ahaan deeqda 50-ka Milyan ee dollar oo ay soo gaarsiisay Dawladda Federaalka Soomaaliya.
Deeqdaan 50-ka Milyan ah ayaa lagu shubayaa Khasnada Dawladda ay ku leedahay Bankiga Dhexe, waxaana loo isticmaali doonaa si ku dhisan daahfurnaan iyo isla xisaabtan. iyada oo Dowladda Federaalku la wadaagi doonto warbixin hufan oo la xariirta qaabka kharashka loo bixiyey.
Khayre ayaa yiri “Waxaan si kal iyo laab ah uga mahadcelineynaa Boqortooyada Sacuudiga oo waqtigan baahida loo qabo noogu deeqday 50 Milyan oo dollar si loogu adeego shacabka Soomaaliyeed, taas oo muujineysa sida dalka aan wallaalaha nahay ee boqortooyada Sacuudiga ay u daneynayso ka qeyb qaadashada dib u dhiska dalkeena.”
Xasan Cali Khayre oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay sida ay dawladda Federaalka uga go’antahay in deeqdaas loogu isticmaalo kordhinta adeega shacabka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in deeqdan ay xukuuumadda ka saacidi doonto sii joogteynta bixinta mushaaraadka ciidanka, raashinkooda iyo mushaaraadka shaqaalaha rayidka ah.
“Xiriirka walaaltinimo ee qotoda dheer ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga waa mid taariikh fog leh, kaalmadaan waqtigan loogu baahi badan-yahay waa mid ka tarjumeysa sida Boqortooyada Sacuudiga ay uga go’antahay garab-istaaga dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, Waxayna sahleysaa in Dawladda Soomaaliya sii labo jibaarto soo celinta amniga iyo nabadeynta dalka.” Ayuu yiri Khayre.
Booqashadii Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) uu dhowaan ku tagey boqortooyada Sacuudiga ayaa aheyd mid lagu sii xoojinayey xiriirka taariikhiga ah ee labada dal.