Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo diyaarad qaas ah usoo dirtay Madaxweyne Farmaajo (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa Goor dhow ka duulay Garoonka Aadan cadde Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa kusii jeedda Magaalada Riyaad ee dalka Sucuudi Carabiya.

Sababta uu aaday ayaa lagu sheegay in ay tahay ka dhabeynta Heshiisyaddii ay wada gaareen dowladda Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Diyaarad Qaas ah oo calanka Boqortooyada Sacuudiga laheyd ayaa loo soo diray Madaxweyne Farmaajo, waana markii labaad ee Sacuudiga diyaarad u soo dirto, kaddib booqashadii rasmiga aheyd ee uu ku tagay bishii February ee sanadkan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu la kulmo Boqorka Sacuudiga, iyadoo dib la filayo in dib loo hagaajiyo xiriirka labada dal oo bilihii la soo dhaafay waxooga mugdi ku yimaadeen, kaddib markii Sacuudiga uu ka xumaaday go’aanka dhex dhexaadnimada ay dowladda Federaalka ka qaadatay khilaafka Khaliijka.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu kala hadli doono Boqorka Sacuudiga, sidii loo fulin lahaa balan-qaadyo hore oo isugu jira taageero dhaqaale iyo mid mashaariic oo uu Sacuudigu balan qaaday markii Madaxweyne Farmaajo la doortay.

Lama oga waxa iska bedeli doono go’aanka dowladda Soomaaliya horay uga qaadatay khilaafka Khaliijka, iyadoo Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka oo maalmihii la soo dhaafay u yeeray Maamul goboleedyada ay culeys ku saareen inay ka hor-yimaadaan go’aankii dowladda Federaalka.