Boqorka Jordan oo kulan qaas ah la qaatay Madaxweyne Farmaajo.

waxaa kulan gooni ah wada qaatay madaxweynaha Somalia iyo Boqorka wadanka Jordan kulanka ayaa kusoo aadaya xilli madaxweynuhu uu ka qeyb-galay shirka 28-aad ee Jaamacadda Carabta kaas oo shalay isugu yimaadeen madaxda ku midaysan ururkaasi islamarkaana ka dhacay caasimadda dalka Jordan ee Cummaan.

Labadan masuul ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo isbeddelka dalka Soomaaliya, waxaana uu bogaadiyay boqor Cabdullah isbeddalada iyo horumarka ka socda Soomaaliya.

Shirka Jaamacadda Carabta ayaa looga hadlay qodobo dhowr kuwaa oo ay ka mid yihiin arrimaha dagaalada Syria, Iraq, Libya iyo yemen, waxaana ay soo jeediyeen in dowladda Israel ay aqoonsan doonaan islamarkaana ay xiriir wanaagsan la yeelanayaan haddii ay ka baxdo dhulkii falastiiniyiinta ee ay qabsatay wixii ka dambeeyay sannadkii 1967-dii.

Markaasoo waxi ka dambeeyay dadka reer Falastiin iyo Israel ay sii siyaaday colaada ka dhaxaysa waxaana ilaa iyo hadda socda dhul balaarsi ay ka wado Israel dhulka reer Falastiin.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in xalka keliya ee nabad looga dhex dhalin karo Israel iyo Falastiin ay tahay in la yagleelo dowladda ay leeyihiin dadka Falastiinta.