Boqor Salmaan oo Xajka ku Casuumay qoysaska Muslimiintii lagu dilay Dalka New Zealand.

Boqor Salmaan Bin C/casiis Al-sacuud waxa uu shalay amar ku bixiyey marti-gelinta ilaa 200 oo qof oo  ka mid ah Qoysaskii ay ka shahiideen 51-kii Marxuum ee bishii Maarso 15-dii ee sannadkan  lagu xasuuqay Masaajid ku taalla magaalladda Christchurch ee dalkaasi.

Wasiirka Arrimaha Islaamka Sacuudiga, ahna Kormeeraha Guud ee Barnaamijkaasi, Sheekh C/ladiif Al-sheekh ayaa sheegay in Tallaabadaasi qeyb ka tahay dadaalka ay Sacuudiga ugu jiraan La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda.

Wuxuuna xusay in Wasaaradiisa iyo Safaaradda Sacuudiga ee ku taalla dalka New Zealand ka wada shaqeyn doonaan dhamaystirka sidii dadkaasi loogu fududeyn lahaa inay gutaan Waajibaadkooda Xajka ee sannadkan.

Dhinaca kale, Boqorka dalka Sacuudiga waxa uu amray in 1,000 qof oo Reer Falastiin ah iyagana loo fududeeyo inay soo xajiyaan sannadkan, iyadoo uu Boqorka bixinayo dhamaan Kharajka Xujeydaasi uu casuumay.