Booliska Soomaaliland oo xiray Sheekh Ismaaciil Cumar Madar oo ahaa Wiilkii Tartanka Qur’aanka kaga soo qayb galay magaalada Dubai

Wararka aan ka helayno magaalada Hargeysa, ayaa xaqiijinaya in ciidamadda booliiska Hargeysa ay xireen Sheekh Ismaaciil Cumar Madar, oo ah nin da’yar oo dhawaan dawladda Emirateku soo musaafurisay isagoo marka kaga qayb gallaaya magaalada Dubai tartanka quraanka kariimka ah. .Sidaan warka ku hellayno Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamim Binu Xaamid Althani ayaa u fidiyay Sheekh Ismaaciil yare casuumad iskugu jirta hadyado lacageed, isla markaana wuxuu amiirka dalka Qatar u fidiyay Ismaaciil inuu ka hello doono dalka Qatar degenaansho rasmi ah, shaqo, iyo weliba guri. Sheekh Ismaaciil oo saaka doonaayay inuu ka dhoofo magaalada Hargeysa, una sii jeeday magaalada Doha ee dalka Qatar, ayey ciidamadda booliiska Hargeysa oo amar ka hellaya xarunta madaxtooyadu ay xabsiga dhigeen, Hadii La Sii Daayo Waxaa la filaya in Sheekh Ismaaciil yare uu dhawaan u safri doono magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu diyaarad rasmi ah oo dawladda Qatar usoo dirayso uga soo sii gudbi doono magaalada Doha ee dalka Qatar. Dhanka Kale Wakiilka Somaliland ee Imaaraadka Baashe Cawil ayaa sheegay in Ismaaciil ay ciidamadu ka qabteen Airport ka Hargeysa, isagoo u socda Dalka Qatar, wuxuu sheegay in ay baaritaan Ku hayaan. Baashe wuxu yiri: “Ninkaa Ismaaciil Cumar, markuu Imaaraadka imanayey wasaarada Diinta & Awqaafta maysan ogeyn, Xafiiska Somaliland ee Imaaraadkana lamuusoo xidhiidhin, hawshiisa waxa watay qolyo reer koonfureed, Muqdisho ah”. Balse markuu soo gaadhay Dubai, waxuu u muuqday nin qorshahiisu ka weynaa ka qeyb­galka tartanka Quraanka, maxaa yeelay waxuu baraha bulshada ku baahinayey dacaayado ka dhan ah wadamada Carabta, markuu tartankii u gudbi waayey geba­gebadii sidii qorshahu ahaa waa lasoo celiyey inta uu abaalmarintii uu helay la siiyey. Markii qorshahii loo keenay Imaaraadku uu guuldaraystay, ka dibna isaga iyo qolyahii kale u bedeleen inay warar aan jirin ku faafiyaan warbaahinta. Nasiib wanaag, maanta ayey ciidamada amaanku ku qabteen madaarka Cigaal isagoo u socdaalaya dalka Qatar. Ciidamada Amaanku xilligan baadhitaano la xidhiidha arrinkiisa ayey wadaan, markuu u dhamaadana, iyagaa Faahfaahin ka bixin doona sababaha loo qabtay Ayuu Ku Soo Koobay Baashe Hadalkiisa.