Booliska Kenya oo baaraya xawaalado ay Soomaali leedahay

Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska Kenya ay gudaha u galeen Xawaalado Soomaali leeyihiin.

Ciidamadan ayaa baaraya illaa shan xawaaladood oo kala ah Dahabshiil, Amal, TAAJ iyo kuwa kale, iyadoo tallaabadan lala xiriirinayo amar ka soo baxay Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya oo lagu baarayo Bangiyo iyo shirkado Qamaarka ka ganacsada.

Ilo ku sugan Nairobi ayaa sheegaya in aan weli albaabada la isugu dhufan xawaaladaha, balse weli baaritaan ku socdo Xawaaladaha.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo dowladda Kenya ay bilowday cadaadis ay saareyso dowladda Soomaaliya, taasoo lala xiriirinayo arrinta muranka Badda ee labada dal u dhaxeysa oo ay dacwadooda taal Maxkamadda Hague.