Booliska Jubbaland oo Askarigii Kufsiga geystay oo jeebeysan u gudbiyay Puntland (Sawirro)

Ciidamada Booliska Jubbaland ayaa  ka dhoofiyay Garoonka Kismaayo eedeysane C/risaaq Warsame Axmed oo ku eedeysan inuu gabar ku kufsaday Magaalada Boosaaso, kadibna rasaas uu kaga dhuftay xubinta taranka.

Ninkaan ayaa isaga oo ka jeebeysan gacmaha waxaa laga dhoofiyay Magaalada Kismaayo, iyadoo ay hareer socdaan Saraakiisha ciidamada Booliska Jubbaland.

Puntland ayaa ka codsatay Jubbaland in sida ugu dhaqsiyaha badan gacanta loogu soo geliyo Ninkaasi oo la sheegay in uu ka tirsanaa ciidamada badda Puntland.

Ehelada Gabadha lagu dhibaateeyay Magaalada Boosaaso ayaa dalbaday in maxkamad la soo taago dambiilaha dhibaatada u gaystay gabadhooda.