Booliska Magaalada Copenhegan ee dalka Denmark ayaa baadi-goob xoogan ugu jira Nin hubeysan oo Maalintii Talaada ahayd qof shacab ah ku toogtay meel u dhaw Central Station-ka.
Ninka la toogtay oo da’diisa lagu sheegay 39 jir ayaa dhaawac halis ah uu soo gaaray, Waxaana haatan lagu dabiibayaa isbitaalka, sida ay warbaahinta u sheegtay xaaskiisa oo goobjoog u ahayd xiliga rasaasta lagu furya Ninkeeda.
Boolisku waxay sheegeen in Ninka falka geystay uu wajiga soo qarsaday tasoo adkaysay in la aqoonsado balse hada ay heleen xog hor dhac ah ayna weli ku guda jiraan xaqiijinta baaritaanka.