Beesha Caalamka Oo Soo Dhaweeysay Natiijadii Ka Soo Baxday Kulankii DFS Iyo dowlada gobaleedyadda

Bayaan ay wada jir u soo saareen  dowladaha iyo ururada daneeya arimaha Soomaaliya oo ay ka mid yihiin QM, ,AU, ,IGAD ,EU, Talyaniga Ethiopia, Mareykanka,Turkiga ,UK iyo Swedan, ayaa lagu taageeray go’aanka madaxda dowladda Soomaaliya ee dhismaha gudiga amniga Qaranka

Saaxiibadda Beesha Caalamka waxay ku bogaadiyeen Hoggaamiyayaasha DFS iyo kuwa Maamul-gobaledyadda horumarka Siyasadeed ee ay gaareen. Gaar ahaan Arrimaha Ammaanka Qaranka, Abaaraha iyo La-dagalanka musuq-maasaqa.

Ergayga Khaska ee Xoghayaha Guud ee QM ee Arrimaha Somalia, Michael Keating ayaa sheegay inuu Heshiiskaasi muujinayo Guul weyn oo Taariikhi ah oo ay dadka Soomaaliyeed gaareen.

©Goobsan Media