Beesha caalamka oo soo dhawaysay in Soomaaliya ay dhisato gudiga iskaashiga amniga qaranka

Waxaa soogaaray dowladda soomaaliya dhambaal bogaadin iyo soo dhawayn xambaarsan kaasoo ka imaanaya  Ururada caalamiga iyo dowladaha shisheeye ee daneeya arimaha Soomaaliya waxaana ka mid ah QM, ,AU, ,IGAD ,EU, Talyaniga, Ethiopia, Mareykanka,Turkiga ,UK iyo Swedan, ayaa lagu taageeray go’aanka madaxda dowladda Soomaaliya ee dhismaha gudiga amniga Qaranka.

Wakiilka gaar ah ee xoghayaha guud ee QM Micheal Keating ayaa sheegay in arintaan ay horey u sii dhaqaajinayso geedi u socodka dhismaha dowladnimada Soomaaliya iyo aasaaska soo celinta amaanka dalka Soomaaliya.

Gollahan leysku raacay dhismihiisa ee amniga Qaranka ayaa waxaa hogaamin doona madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wakiilka QM ayaa sidoo kale sheegay in ay beesha caalamka sii laba jibari doonto taageerada dowladda Soomaaliya ee dhinacyada amniga iyo siyaasada.

Madaxda Qaranka ayaa sidoo kale kulankoodii labada cisho uga hadlay xaalada bani’aadannimo ee dalka jirta gaar ahaa abaarta oo sameynta adag ku yeelatay dad iyo duuniyada.

Dhismaha Gudiga amniga Qaranka haddii uu hirgalo waxaa soo muuqan doono ififaalo dowladnimo awood ciidan leh taasoo saamayn buuxda ku yeelan doontaa awooda ururada ka dagaalamo dhulka Soomaalida gaar ahaan Koofurta Soomaaliya oo Alshabaab ay awood ku leeyihiin waxaana suurta gal ah in awooda alshabaab ay wiiqmi doonto haddi gudigaasi sidii loogu talo galay dhidibada loogu taago