Waxaa goor dhow Magaalada Muqdisho ka furmay Bandhiga wajiga Koowaad ee kunkii dhalinyaradda ahaa ee maamulka Gobolka Banaadir lagu amray in ay shaqaaleysiiyaan.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo ku xigeenadiisa iyo sidoo kale Mas’uuliyiin ka socda dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb galaya.
Kulankaan ayaa u jeedka laga leeyahay waxaa uu yahay in la dejiyo qorshaha lagu shaqaaleysiinaayo dhalinyaraddaasi iyo sidoo kale hanaankii loo mari lahaa.
Dhalinyaradda ka qeyb galeysa Kulankaan ayaa Gudoomiyaha gobolka Banaadir waydiinaya Su’aallo la xariira sida dhalinyaraddaasi loo shaqaaleysiinaayo, Mushaarka ay qaadanayaan iyo su’aallo kale.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed ayaa sheegay in kunka dhalinyaro ee la shaqaaleysiinayo mushaar ahaan ay u qaadan doonaan lacag dhan 150 dollar.
Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka ayaa sheegay in dhalinyarada la shaqaaleysiinayo ay qabanayaan shaqooyin la xiriira bilicda caasimada, wacyi gelinta bulshada iyo shaqooyin kale oo la xiriira arrimaha bulshada.
Qof walbo oo ka mid ah kunka dhalinyaro ee Maamulka Gobolka uu shaqaaleysiinayo waxa uu mushaar ahaan u qaadan doonaa bil walbo 150 dollar.
Dhaqaalaha ku baxaya Mashruucan ayaa waxaa bixinaya Midowga Yurub, waxaana fulinaya Maamulka Gobolka Banaadir waxa uuna socon doonaa muddo 6 bilood oo ka bilaabaneyso bisha la shaqaaleysiiyo kunkaasi dhalinyarao.
17 degmo ee Gobolka Banaadir ayaa degmo walbo waxaa la siiyay 58 qof marka la isku daro tiro ahaan waxa ay gaartay 984 qof, 14 kasoo hartay waxaa loo sameynayaa qorshooyin kale oo lagu shaqaaleysiinayo sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Banaadir.