Banaanbax Loogu Soo Horjeedo AMISOM oo Ka Socda Muqdisho

Banaanbax ay dhigayaan shacabka Degmadda Heliwaa ee Gobolka Banaadir ayaa haatan ka socda Wadada Isku xirta Ex Control Balcad ilaa Suuqa Xoolaha.

Banaan-baxaan ayaa loogu soo horjeedaa Ciidamada AMISOM oo saakay xasuuq ka geystay gudaha Degmadas, kadib markii lala eegtay qarax Miino oo dhulka lagu aasay,sidoo kalana dagaal ay kala kulmeen rag ka tirsan Shabaab.

Dadka banaanbaxa dhigaya ayaa ku qeylinaya erayo ka dhan ah Ciidanka AMISOM ee jooga Soomaaliya.

Inta la xaqiijiyay ilaa Afar qof ayay Ciidamadda AMISOM Saakay ku dileen Aagaarka Isgoyska Ex Control Balcad Ee Magaalada Muqdisho,kadib qarax qabsaday.