Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug qeybta Galmudug maanta waxaa ka dhacay Banaanbax lagu taageerayay go’aankii Madaxweyne (Xaaf) uu kula safaday xulufada Sacuudiga.
Dadweyne isaga kala yimid xaafadaha magaalada Gaalkacyo oo u badan Haween iyo Caruur ayaa waxa ay socod dheer ku mareen wadooyinka waa weyn ee magaalada, iyaga oo ku qeylinayay ereyo ay taageero ugu muujinayeen Hoggaamiyaha Galmudug.
Guddoomiyaha magaalada Gaalkacyo dhanka maamulka Galmudug Xirsi Yuusuf Barre oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay Banaanbaxan in lagu taageerayay Madaxda Galmudug, looguna baaqayay inay ilaaliyaan midnimada.
Wuxuu sheegay Galmudug in uu Madaxweyne ka yahay Axmed Ducaalle Geelle, loona baahan yahay in looga dambeeyo istiraatiijiyadda siyaasadda, si uusan u imaan buuq iyo is qab qabsi.
Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) oo maalin ka hor war qoraal ah xafiiskiisa ka soo baxay ayaa waxaa lagu taageeray go’aankii xulufada Sacuudiga, iyada oo looga soo horjeestay dalka Qadar.
Go’aanka Madaxweynaha Glamudug waxaa ka soo horjeestay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi (Carabey), Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka, waxayna taageereen mowqifka dowladda Soomaaliya ka qaadatay khilaafka Khaliijka.