Badda oo kusoo Fatahday degaanka Qadiimiga ah ee Caluula

Wararka ka imanaya magaalo xeebeedda Caluula ee gobolka Bari ee dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegaya in biyihii badda ay ku fataheen magaaladaas, islamarkaana ay ka barakaceen dhammaan dadkii ku noolaa.

Fatahaadan ayaa la sheegay in ay timid kadib markii ay xirantay kanaal ay biyahu gali jireen marki mawjadaha Hirarku ay bataan balse kanaalka ayaa ciidu xirtay mana jirto cid isku xil saartay in ay furto kanaalkaas.

Xaaladan ayaa la dareemayay Saansaanteeda tan iyo bartamahii Bishii April markaas oo laga war helay inuu Kanalkaas u baahanyahay caro Qodis.

Guddoomiyaha degmada Caluula, Cali-Shire Maxamuud Cismaan, ayaa warbaahinta u sheegay in biyaha ay qaadeen in ka badan 100 guri iyo goobo ganacsi oo muhiim ahaa .

Guddoomiyaha ayaa sheegay in bar ka mid ah magaalada oo idil ay biyaha saameeyeen, islamarkaana ay sameeyeen gurmad ay u fidiyeen dadka ay biyuhu kusoo fataheen.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay Baaqyo iyo Codsi ay u direen maamulka Puntland aan ila iyo hadda laga jawaabin dadkuna ay yihiin kuwa u baahan Gar gaar si loo bad baadiyo degmada Qadiimiga ah ee Caluula.

Maamulka Puntland ayaa ku dhaawaaqay in xaalad adag ay ka taagan tahay Magaalada , maadaama dadkii aysan haysanin waxyaabo ay cunaan.