Baarlamaanka Soomaliya Oo Maanta Ka Doodaya Heshiiska Dekedda Berbera

Kalfadhigii Saddexaad Kulankiisa 1-aad ee Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa uu ka dhaci doonaa xarunta Golaha Shacabka ee Magaaladda Muqdisho.

Ajandaha kulanka maalinta bari ah ayaa ah 1. Heshiiska DP World ee Dekeda Berbera iyo 2. Wax ka badalka Xeer-hoosaadka Golaha.

Qaar kamid ah Xildhibaaada Baarlamaanka Soomaliya aynu la xiriirnay ayaa inoo sheegay in kulanka maanta ah uu yahay mid xasaasi ah islamarkaana xildhibaanadda ay ka doodi doonaan heshiiska Shirkadda DP World ee dalka Imaaraadka Carabta ay kula wareegtay Dekadda Magaaladda Berbera ee Maamulka Somali-land.

Heshiiska DP World ee Dekeda Berbera ayaa xumeeyay xiriirka Soomaliya iyo imaaraadka Carabta kadib markii Maareeyaha Shirkadda uu sheegay in Soomaliya aysan shaqo ku leheyn arinta Heshiiska Dekadda,islamarkaana maamulka Somali-land ay Dowladd u aqoonsan yihiin.

Dhismaha Dekadda Magaaladda Berbera ayaa waxaa sidoo kale saami ku leh Dowladda Ethopia, oo dhisi doonta Wadooyinka.