Mooshin Ka dhan ah Saldhiga Militery Ee Barbera oo Baalamaadka Horyaala

 

Waxaa la filayaa maanta oo arbaco ah in baarlamaanka Soomaaliya ay kulan ku yeeshaan xarunta golaha shacabka, kulankan ayayna uga doodi doonaan mooshin ay ka keenayaan Dowlada imaaraatka heshiiska ay uga dhisayso saldhig milateri magaalo garoon ku yaala magaalo xeebeedka Berbera.

kulankaan ayaa waxay diirada ku saari doonaan mooshin ay diyaarinayeen qaar ka mid ah  Xildhibaanada Soomaaliya kuwaas oo kasoo horjeeda heshiiska uu maamulka Soomaaliland ugu ogolaaday in Imaaraatku saldhig militari halkaas ka samaysto.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa la filayaa in dood kulul ka yeeshaan Mooshinka lagu diidan yahay heshiiska Imaaraatka kula wareegayaan Dekada iyo garoonka Berbera , waxa ayna Xildhibaanada dooda kadib cod gacan taag u qaadi doonaan mooshinkaasi.

Baarlamaanka Soomaaliya hadii ay diidaan heshiiska Imaaraatka saldhiga Milatari uga furanayo Berbera ayaa laga yaabaa in uu sii xumeeyo xariirkii u dhaxeeyay dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatka oo mudooyinkii ugu dambeeyay sii xumaanayay.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa u muuqata mid aan raali ka aheyn qorshaha Imaaraatka Saldhiga milatari uga furanayo Soomaaliya gaar ahaan Berbera, waxa ayna dowlada horey uga digtay hergalinta saldhigaasi milatari.