Baarlamaanka oo Su’aalo ka weydiiyay Ra’iisal wasaare Kheyre hadalkii Sheikh Nuur Baaruud

Guddoonka Baarlamaanka iyo Guddiyada Joogtada kulan degdeg ah la qaatay Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Xasan Cali Kheyre.

Kulanka ayaa su’aalo adag lagu weydiiyay hadallo ka soo yeeray Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, ee ku saabsnaa inaan la aqbali karin mooshin laga keeno Xukuumadda, haddii Xildhibaanada isku dayaan mooshin ka dhan ah Xukuumaddana ay guryahooda ugu geli doonaan oo gacan ula tegi doonaan.
Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa iska fogeeyay inay xukuumadiisu ku lug leedahay kacdoon lagu kiciyo dadweynaha si looga hor keeno xukuumadda, wuxuuna caddeeyay in xukuumadiisa aanay wax lug ah ku lahayn wararka la faafiyay.

Ra’iisal wasaare Kheyre oo la weydiiyay hadalkii Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa ku dooday in hadalka Sheekha si khaldan loo fasiray, isagoo caddeeyay in Sheekh Nuur Baaruud Gurxan laftiisa uu qaban doono shir jaraa’id, kaasoo uu ku caddeyna doono mowqifkiisa iyo sida khaldan ee loo adeegsaday qaar kamida hadaladiisii.

Guddoomiyeyaasha Guddiyada Joogtada ee Baarlamaanka ayaa Ra’iisal wasaare Kheyre hordhigay Dalab ku saabsan inuu aqbalo in isaga iyo golihiisa lala xisaabtami karo, haddii ay dhaliilo jiraanna lagu qaadi karo sharciga, taasoo uu sheegay inuu sharciga u hoggaansan yahay.

Xaaladda xildhibaanada ayaa ahayd mid kacsan, waxaana hadalkii Sheekh Nuur Baaruud uga sii daray xaalad markii horeba liidatay, inkastoo mooshinada la sheegayo ay wadaan taageerayaasha Ra’iisal wasaaraha.