Wasiirka Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa saaka hor-tagay Golaha shacabka, isagoo ka raalli geliyay qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka, kaasoo uu kaga hor-jeestay qaraarkii uu Baarlamaanka ku diiday go’aankii Maxkamadda sare.
Hadal uu Wasiirka ka hor-jeediyay Xildhibaanada ayuu ku dalbaday in laga cafiyo hadaladii ka soo yeeray, isla markaana uu raalli gelin ka bixinayo.
Guddoonka Baarlamaanka ayaa aqbalay raalli gelinta Wasiir Xoosh, waxaana ay u fasaxeen inuu howlihiisa shaqo sii wato.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ka carooday qoraalada uu Wasiir Xoosh ku qoray bartiisa Bulshada, waxaana ay ka keeneen mooshin ay ku dalbanayaan inuu ku hor-yimaado Baarlamaanka, si su’aalo looga weydiiyo.
Hase ahaatee Wasiir Xoosh ayaa ka baaqsaday kulankii loogu yeeray, waxaana uu Guddoonka u soo qoray warqad codsi ahoo uu ku dalbanayo in la siiyo illaa 11 bishan, balse Xildhibaanada ayaa ku eedeeyay inuu sharciga ku xadgudbay, iskana dhega tiray u yeeristii Baarlamaanka, iyagoo dalbaday in dib u eegis lagu sameeyo xilkiisa.
Olole ay qeyb ka ahaayeen madaxda dowladda iyo Wasiiro ayaa lagu guuleystay in lagu xaliyo xiisadii u dhaxeysay Wasiir Xoosh iyo Baarlamaanka, kaddib markii arbacadii la soo dhaafay uu kooram la’aan ku baaqday kulankii Baarlamaanka ee lagu waday in go’aan looga gaaro xil heyntiisa