Baarlamaanka Galmudug oo maanta loo gudbin doono jadwalka doorashada madaxweynaha

Guddiga doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa maanta oo taariikhu 1da april ku beegantahay waxay  Baarlamaanka maamulkaas hor gayn doonaan jadwalka doorashada madaxweyne ee isla maamulkan galmudug.

Xildhibaan Xasan Cali Dhuux oo ka mid ah golaha baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa waxa u wareysi siiyay warbaahinta gudaha waxa uuna sheegay  in ilaa iyo imika ay si wanaagsan wax u socdaan Guddiga doorashadana ay ka shaqaynayaan sidii howsha ay usoo dhamaystiri lahaayeen.

Waxa uu sheegay in guddiga doorashada maamulka Galmudug ay maanta horkeeni doonaan jadwalka doorashada iyo wax walba oo looga baahanyahay ka dibna waxii kasoo baxa waxan la wadaagi doonaa saxafada oo aan usoo bandhigi doono.

Mar wax laga weydiiyay taageeraha ay ka helayaan Dowlada federalka ee Somaliya ayuu ku jawaabay “waxaan ka helnay taageero fiican waayo wax walba meesha ay marayaan way la socotaa waana dowladeena wax walba oo maamul ahna waa dowladii inoo haysay”.

Waxaa dhowaan la filayaa marka ay taariikhdu ku beegantahay 10ka April in madaxweyne cusub lagu doorto magaalada cadaado oo xarun ku meel gaar u ah maamulka Galmudug.

©Goobsan  Media